Boggan waxaad si fudud ballantaada uga qabsan kartaa xarunteena ku taal West! Halkaas ayaa lagu qaban doonaa saacadaha la-talinta Somaliga ee soo socda, bil kasta Isniinta ugu horeysa (13:00 – 16:00). Guud ahaan, dhamaan saacadaha la-talinta waxay ka dhacaan xarunta. Ma doorbideysaa inaad la hadasho lataliyaha sharciga ee ku hadla Af-Somaliga, Fardowsa, si toos ah telefoon ama online? Fadlan tan sheeg markaad samaynaysid ballantaada internetka!
Hoos ka isticmaal badhanka ‘Samee Ballan’ si aad ballan uga qabsato mid ka mid ah saacadaha la-talinta ee xaruntayada. Ma doorbideysaa inaad samaysato ballan online ah (videowadaagida MS Teams) ama ballan telefoon ah? Fadlan dooro MS Teams marka aad samaynaysid ballantaada ama geli lambarkaaga telefoon.
Waxaa sidoo kale suurtogal ah inaad soo gasho xarunta inta lagu jiro saacadaha la-talinta adiga oo aan ballan lahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhici karta inaad sugto muddo gaaban. Sidaas darteed, waxaan kugula talineynaa inaad ballan sameysato.
Haddii aadan awoodin inaad ballan sameysato ama aad doorbideyso inaad ballan ku samaysato telefoon, waxaad na soo wici kartaa Isniin kasta inta u dhaxaysa 13:00 ilaa 16:00 saac, adoo wacaya 020-700 88 25 oo weydiisaya Fardowsa. Ama waxaad e-mail noogu soo diri kartaa west@vrouwenrechtswinkelamsterdam.nl adoo u diraya Fardowsa.
Goobta West
Ku taal Ururka Aminah
Cinwaanka
Bos en Lommerweg 383,
1061 DH Amsterdam
west@vrouwenrechtswinkelamsterdam.nl
Openingstijden
Isniin: 13:00 – 16:00
Khamiis: 17:00 – 20:00
Ma jiro saacad la-talin Somali ah Khamiista, kaliya Isniinta.